Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ururka Daacish oo Qabsaday Tadmur


Maleeshiyada Ururuka Daacish ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya magaalada taariikhiga ah ee Tadmur oo ay ka muuqdaan astaamaha haraadiga dhismooyinkii boqortooyadii Romanka ee magaaladii Palmyra, saacado ka dib markii ay xoog kaga saareen ciidamada dowladda sida ay sheegtay kooxda la socota arimaha Syria.

Kooxdan, The Syrian Observatory for Human Rights, oo fadhigeeduyahay dalka Britain ayaa sheegtay in mintidiinta Daacish ay Arbacadii shalay la wareegeen xarun ka mid ah xarumaha ay hey’adda Qaramada Midoobay ee dhowrista waxbarashada, seyniska iyo dhaqanka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo UNESCO ku dartay liiskeeda goobaha taariikhiga ah ee dunida, goobtaas oo jirtay muddo ka badan 2,000 oo sanadood.

Ma jiraan weli warar sheegaya in haraadigaasi taariikhiga ah burbur loo geystay, laakiin horey ayey kooxdan dhulka ugu dartay goobo badan oo taariikhiga ah, iyagoo ku tilmaamay raadadka cawaan aan diinta shaqo ku laheyn.

Dowladda Syria ayaa sheegtay in boqolaal ka mid ah taalooyinkii taariikhiga ahaa ee magaaladaa ka taagnaa inay halkaasi ka qaadeen ka hor inta aysan qabsan mintidiinta.

Afhayeen u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marie Harf ayaa Iyana sheegtay inay walaac ka qabaan isla markaana ay rajeynayaa in aan la burburin taariikhda dhaxal galka ah ee magaaladaas.

XS
SM
MD
LG