Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban Ki-moon oo loo Diiday inuu Booqdo W/Kuuriya


Mr. Ban ayaa sheegay in aad wax sharraxaad ah laga bixin sababta loo baajiyey booqashadii uu dalkaasi ku tagilahaa isagoo go’aantaasi ku tilmaamay mid shaleynto ah.

Ban Ki-moon ayaa sidoo kale qorsheynayey in uu berri oo Khamiis ah oo booqdo warshadda la yidhaahdo Park tasoo ku taalla deegaanka milatariga ka caagan ee kala qeybiya labadda Kuuriya.

Madaxii ugu dambeeyey ee sare ee ka tirsan madaxda hay’addaha caalamiga ah ee booqda dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa ahaa xoghayihii hore ee QM Buris Buris Qaali oo booqday sanadkii 1993-dii xilligaasoo uu ka gudbay deegaanka milatariga ka caagan ee kala qeybiya labadda Kuuriya.

XS
SM
MD
LG