Isku xirrada

Maxamed Mursi oo Dil lagu Xukumay


Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa xukun dil ah ku ridday Madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi iyo eedaysanayaal kale oo kor u dhaafaya illaa 100 qof.

Xukunkan oo la gaadhay maanta oo sabti ah ayaa maxkamaddu sheegtay in sababta loogu xukumay ay tahay doorkii uu ku lahaa xabsi la jabsaday oo maxaabiis laga sii daayay sannadkii 2011.

Go’aanka ugu dambeeya ee fulinta dilka ayaa lagala tashan doonaa muftiga guud ee dalkaas oo ah hay’adda ugu sarraysa dhinaca diinta, waxayna go’aan ka gaadhi doonaan bisha June 2-deeda.

Madaxweynaha hore ee dalka Masar ayaa sidoo kale lagu soo oogayaa dacwado la xidhiidha basaasnimo.

Bishii hore ayaa Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loo soo doorto lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah ka dib markii lagu eedeeyey inuu masuul ka ahaa dilka qaar ka mida debed-baxayaashii ku sugnaa barxadda hore ee madaxtooyada sannadkii 2012.

XS
SM
MD
LG