Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Magaalada Bujunbura


Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlayey xarunta dalka Burundi ee Bujunbura, maalin ka dib markii general ciidanka ka tirsani uu afgabi ku dhawaaqay, xilli uu madaxweynaha waddankaasi uu dalka dibadda uga maqan yahay.

Ma cadda cidda hadda dalka gacanta ku haysa, iyada oo dibadbaxyada siyaasadeed ee maalinlaha ahi ay keeneen isku dhacyo ka dhex bilaabmay kooxaha siyaasadda.

Wariyaha VOAda Gabe Joselow oo hadda magaalada Bujunbura ku sugan ayaa sheegay in uu maqlayo rasaas si joogta uga dhacaysa xarumaha xisbiga talada haya ee CNDD-FDD. Booliiska ayaa ilaalo ka haya waddooyinka goobahaas ku yaalla. Dadka magaalada ayaa sheegay in booliisku uu xaafadaha ka baarayo dadka loo arko inay taageersan yihiin isku-dayga afgambi.

Madaxweyne Peirre Nkurunziza oo fariin ku qoray bogiisa Twitterka ayaa u maaqday mid deggan. Waxa uu sheegay in xaaladdu ay gacanta ku jirto. Goobta uu madaxweynuhu ku sugan ma cadda, hase yeeshee wakaaladda wararka ee Faransiiskuna ayaa sheegtay inuu ku sugan goob aan la shaacin oo ku taalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, halkaas oo uu kaga qeyb galayey shir ay Arbacadii shalay ay lahaayeen dalalka gobolka, isla markaana lagaga hadlayey xaaladda siyaasadeed ee isla dalka Burundi.

XS
SM
MD
LG