Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Q.M oo Soo Dhaweysay Xabbad Joojinta Yemen


Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay bilaabashada xabad joojinta dhinaca bani aadnimada ah ee dalka Yemen, wuxuuna ku booriyay dhinacyada dirirtu ay u dhaxeyso inay ogolaadaan in dadka rayidka ah la gaarsiiyo raashinka, dawada iyo shidaalka ay sida deg degga ah ugu baahanyihiin.

War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Amniga ee Jimciyadda Qarumaha ka dhaxeysa wax yar ka dib markii xabad joojintu ay dhaqan gashay Talaadadii shalay ayuu Goluhu sidoo kale ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon inuu qabto shir looga dan leeyahay in xal siyaasadeed loogu raadiyo mashaakilka ka ooggan Yemen

Dagaalka Yemen ka socda ee dhex maraya ciidamada dowladda iyo falaagada Xuuthiyiinta, iyo duqeymaha cirka ee dalkaasi ay ka geysanayeen tan iyo bishii March Isbaheysi uu Sacuudigu hormuud ka yahay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,500 oo qof .

Afahayeen u hadlay Isbaheysiga Sacuudiga oo la yirahdo Axmed al-Assiri ayaa sheegay in sacuudigu ay ka go’antahay xabad joojinta, laakiin ay dhinaca sirdoonka kula socon doonaan dhaq dhaqaaqa xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa dhankooda sheegay inay jawaab bixin doonaan haddii xabad joojinta ay jebiyaan dhinacyada ka soo horjeeda.

XS
SM
MD
LG