Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhulgariir Mar Kale ku Dhuftay Nepal


Dhulgariir xooggan ayaa mar kale ku dhuftay dalka Nepal gelinkii maanta oo Talaado ah, kaasoo gilgilay dal weli la tacaalaya burburkii ka dhashay dhulgariir kale oo wax ka yar laba todobaad ka hor dhacay.

Hey’adda Muhaajiriinta ee Dunida ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (IOM ) ayaa sheegtay in afar qof ay ku dhinteen magalada Chautara, halkaas oo dhismooyin dhowr ah ay burbureen.

Hey’adda la socodka dhul gariirada ee Mareykanka ee -U.S. Geological Survey, ayaa sheegtay in halbeegga cabirka dhul gariirkan uu ahaa 7.3 magnitude, kaasoo ubucdiisu aheyd meel 80 km bariga ka xigta caasimadda dalkaasi ee , Kathmandu.

Saacad gudaheed dhulgariirkaasi ka dib ayaa lix dhul gariir oo ka yar yar oo kii ugu xooganaa uu gaarayay 6.3. ay luleen deegaankaasi.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay in qasaara nafeed uu dhaliyay dhulgariirkan iyo in kale.

Ku dhawaad sadex todobaad ka hor ayaa dhul gariir xooganaa oo dalkaasi ku dhuftay waxaa ku dhintay dad ka badan 8,000 oo qof, kumanaanna wey ku guryo beeleen.

XS
SM
MD
LG