Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqor Salmaan oo ka Baaqday Shirka Washington


Boqorka Sucuudiga Salmaan Ibn Cabdelcasiis ayaa Isniintii shalay telefon u soo diray madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, kuna wargaliyey inuu ka xun yahay in uuna iman doonin shir madaxeedka Maraykanka iyo dalalka Gacanka Carabta oo ka dhici doona meel u dhow magaalada Washington.

Aqalka Cad ayaa sheegay in labada hogaamiye ay ka wada hadleen ajendaha kulanka, kaas oo diiradda lagu saari doono sidii loo wanaajin lahaa iskaashiga Maraykanka iyo dalalka Gacanka ay ka yeelan karaan dagaalada sida kuwa ka socda Ciraaq, Suuriya, Libya, iyo Yemen.

Lix sarkaal oo sarsare oo dalalkaas ka socda ayaa Arbacada berri ah iman doona magaalada Washington, halkaas oo ay casho ku yeelan doonaan, ka dibna waxay Khamiista u socdaali doonaan goobta shir madaxeedku ka dhacayo oo 100km dhinaca woqooyi ka xigta goobta madaxweynayaasha Maraykanku u dalxiiska tagaan ee Camp David ee gobolka Maryland.

Boqorka Sucuudiga ayaa qorsheynayey inuu Washington yimaaddoo, hase yeeshee waxa uu hadda soo dirayaa Maxamed bin Nayef oo ah dhaxal sugaha iyo waliba wiilkiisa Maxamed bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha labaad, ahna wasiirka gaashaandhigga ee dalka. Sababta uu boqorku u baaqday ayaa saraakiil Sucuudi ahi ku sheegeen in sharka Washington uu ku soo beegmay xiliga ay dhaqan galeyso xabbad joojinta u dhexaysa isbahaysiga uu Sucuudigu hogaamiyo iyo falaagada xuutiyiinta ee dalka Yemen.

XS
SM
MD
LG