Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Rab-dhuure ee Gobolka Bakool


Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo maleeshiyo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Rab-dhuure ee gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii maleeshiyo katirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaan fadhiisin u ah ciidanka dowladda oo ku yaalla duleedka degmado Rab-dhuure.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidanka dowladdu ay dagaalkaasi ku dileen 10 ka tirsanaa maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in maleeshiyo ay dooneysay in ay la wareegaan fadhiisinkaasi balse iska caabbin xooggan oo ay kala kulmeen ciidamadii halkaasi ku sugnaa ay ku kaliftay in ay dib u baxsadaan.

Dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkaasi ayaa la sheegay in ku koobanyihiin dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay.

XS
SM
MD
LG