Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain: Xisbiga Muxaafidka ah oo Guuleystay


Xisbiga muxaafidka ah ee Britain ee uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare David Cameron, ayaa ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday maalintii Khamista ee shalay, iyadoo markii hore la saadaalinaayay in uu natiijo aad u yar heli doono. Natiijooyinka ayaa kalliftay iscasilaadda hoggaamiyayaasha xisbiga mucaaradka ah, oo uu ku jiro Ed Miliband oo kaalinta labaad kaga jirtay xisbiga shaqaalaha.

Horumarkan ballaran ee uu sameeyay xisbiga qaranka ee Scottish-ka ayaa ahayd mid ka mid ah waxyaabaha sida weyn loola yaabay. Xisbgia madaxbanaanida ayidsan ayaa ku guuleystay in ka badan 50 kursi, isagoo si wayn uga adkaaday xisbiga shaqaalaha kana dhigaya Scotland gobol hal xisbi oo kali ah ku dhow.

Xisbiga shaqaalaha ayaa sidoo kale ku guul darreystay inuu horumar ka sameeyo muxaafidiinta England iyo Wales. Miliband ayaa sheegay in go’aanka codbixiyayaasha ay habeen niyad jab leh oo adag uga dhigtay xisbiga shaqaalaha. Waxa uu guuldarada ka soo gaartay Scotland uu sabab uga dhigay waddaniyadda oo aad u badan.

Ololaha ra’iisal wasaare Cameron ayaa waxaa hoos u dhigay ballan qaadka ku aadan inuu oggolaanayo afti ku aaddan haddii Britain, oo ah waddanka shanaad ee dunida ugu dhaqaalaha wanaagsan, uu ku jirayo 28-ka waddan ee midowga yurub ee ku midoobay ganacsiga.

XS
SM
MD
LG