Isku xirrada

Askar ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Muqdisho


Labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia aayaa maanta ku dhimatay qarax miino oo lagula eegtay meel ku dhow jidka 30-ka ee degmada howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qarxa uu ahaa miino lagu aasay meel ay fadhiyeen ciidamada dowlada iyada oo la sheegay in askari kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmay iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay howl gallo ka sameyeen maanta xaafado ka tirsan degmooyinka Muqdisho kuwaas oo tiro dad ah lagu soo qabtay kadib markii shaley Muqdisho lagu diley gudoomiye ku xigeenkii Degmada Wadajir.

XS
SM
MD
LG