Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jarmalka: 4 Qof oo Loo Xiray Tuhun Masaajid La Gubay


Mas’uuliyiinta dalka Jarmalka ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen afar qof oo la aaminsanyahay in ay dambeeyeen koox weerar ku qaaday masaajid iyo guri ay ku sugnaayeen dad magangeliyo doon ah.

Dadka la xiray ayaa la sheegay in ay ka yihiin aasaasayaasha urur mayal adag, kaasoo kooxda weerarka soo qaaday ay ka tirsan yihiin, sidoo kale ay la wareegeen aalado laga sameeyo walxa qarxa, kuwaasoo ay soo heleen xilligii dadkaasi la qabtay.

Dadka la qabtay ayaa isugu jira saddex rag ah iyo qof haween ah kuwaasoo la aaminsanyahay in ay koox ka tirsan ay sidoo kale qorsheynayeen in ay weeraro ay ku qaadaan masaajidyada iyo guraha ay daganyihin dadka magangeliyo doonka ah.

Xiritaanka afartan qof ayaa ku soo beegmaya iyadoo horay magaalado ku taalla galbeedka Jarmalka uu boolisku sheegay in dab la qabadsiiyey dhisme qabyo ah oo loogu talogalay in la dejiyo dadka magangeliyo doonka ah ee soo galka dalka Jarmalka.

XS
SM
MD
LG