Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiye Guuleed Axmed oo Xabsiga laga Sii Daayey


Guddoomiyaha hay’adda xuquuqul aadamaha ee Somaliland Guuleed Axmed Jaamac ayaa maanta la sii-daayey kaddib markii uu oo muddo saddex toddobaad ah ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha oo la hadlay VOA ayaa sheegay in weli uu yahay eedeysane, balse sii-deyntiisu aanay ka turjumayn in laga laabtay kiiskii loo haystey maadaama uu bannaanka ku joogo dammaanad sida ay u sheegeen qareennadiisu.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in intii uu xasbiga ku jiray uusan wax dhibaato ah la kulmi marka laga reebo in labo meelood oo kala duwan lagu xiray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyey aysan ahayn kuwa jira, maadaama uusan ka hadlin wax ka baxsan waxyaabaha uu qabo dastuurka Somaliland, ururkiisuna u dooddo sidii loo ilaali lahaa xuquuqda qofkasta oo muwaadin ah.

Guddoomiyaha hay’adda xuquuqul aadamaha Somaliland Guuleed Axmed Jaamac ee maanta la soo daayey ayaa intii uu xasbiga ku jiray ka soomanay cuntada.

XS
SM
MD
LG