Isku xirrada

War Deg-Deg ah

John Kerry oo Booqday Jabuuti


Kerry oo booqday Jabuuti 2
Kerry oo booqday Jabuuti 2

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa maanta booqday dalka Jabuuti,isagoo la kulmay madaxda dalka Jabuuti, booqdayna saldhiga Mareykanku uu ku leeyahay dalka Jabuuti.

John Kerry ayaa la kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, isagoo kala hadlay xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Jabuuti uga mahadceliyey gurmadka iyo soo dhaweynta ay Jabuuti u fidisay boqolaal qof oo ka soo cararay colaadda hadda ka socoto dalka Yemen.

Kerry oo booqday Jabuuti
Kerry oo booqday Jabuuti

John Kerry ayaa Jabuuti ugu yaboohay 68 milyan oo gurmad cusub ah oo Mareykanku siin doono Jabuuti, iyadoo 16 milyan oo dhaqaalahaasi ka mid ah loogu talagalay in Jabuuti ay ku caawiso qaxootiga ka imanaya dalka Yemen ee hadda colaaddu ku socoto si ay u helaan biyo iyo baad iyo xerooyin ay dagaan.

Kerry ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin shalay ku tagay magaalada Muqdishu isagoo la kulmay madaxweyne Xassan, ra’iisul wasaare Sharmaarke iyo hoggamiyeyaasha maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed.

Kerry oo booqday Jabuuti
Kerry oo booqday Jabuuti

Booqashadii Kerry ee uu shalay ku tagay magaalada Muqdisho ayaa k aka dhigaysa mas’uulkii ugu sareeyey ee ka socda Mareykanka oo booqda dalka Soomaliya muddo 20 sanno ka badan.

Kerry oo booqday Jabuuti
Kerry oo booqday Jabuuti

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso warbixinno ku saabsan booqashada Kerry ee Djibouti.

Dhegayso: Warbixinno iyo Waraysi ku saabsan Booqashada Kerry ee Djibouti
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:43 0:00

XS
SM
MD
LG