Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tahriibayaal Badda ku Dhintay


Migrants rescue
Migrants rescue

Hay’adda Badbaada Caruurta ayaa sheegtay in illaa 40 tahriibayaal ahi ay badda Mediterranean-ka ku dhinteen ka dib markii ay waxyeello soo gaadhay doon caag ahayd ama nooca la buufiyo oo ay saarnaayeen iyaga oo isku dayayey inay soo gaadhaan xeebaha dalka Talyaaniga.

Kooxdan u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka ayaa sheegtay in dadka ka soo badbaaday doontaasi ay sheegeen in qaar badan oo asxaabtooda ahi ay badda ku dhinteen ka dib markii ay badda ku daateen isla markaana ay dabbaalan kari waayeen.

Tiradan dhimashada ee sannadkan oo keliya ku nafweyday badda Mediterranean-ka ayaa noqonaysa illaa 1,750 qof kuwaas oo ah muhaajiriin ka soo cararaya colaadaha iyo faqriga ka jira qaaradda Afrika iyo wadamada bariga dhexe.

Dadka soo badbaaday ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka soo kala jeedeen dalalka Ghana, Ghambia, Senegal iyo Ivory Coast.

XS
SM
MD
LG