Isku xirrada

War Deg-Deg ah

John Kerry oo Gaaray Muqdisho


Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku tagay Somalia.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horaysay ee uu Mas’uulka ugu sareeya arrimaha dibadda ee Maraykanka uu ku tago Somalia.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Kerry uu ka degay Muqdisho duhurnimadii maanta oo Talaado ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in uu la kulmay madaxda sare ee Somalia .

Arrimaha uu kala hadlay o ayaa waxaa ka mid ah, Ammaanka, iyo horumarka ilaa imika laga sameeyay higsiga Somalia ka hor intaan la gaarin doorashada la qorsheeyay in ay qabsoonto sannadka dambe.

John Kerry ayaa sidoo kale la kulmay madaxda bulshada rayidka, waxa kale oo uu mahadnaq ujeediyay Midawga Africa oo ay ciidamo ka joogaan Somalia kuwaasi oo ka shaqeeya hawlaha nabad ilaalinta.

Warbixinno la xidhiidha booqashada Kerry iyo waraysiga wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso:Warbixinno la xidhiidha booqashada Kerry iyo waraysiga wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:52 0:00

XS
SM
MD
LG