Isku xirrada

Shaqaalaha Gurmadka Nepal oo Helay Oday 101 jir ah


Dadka la soo badbaadiyey oo afar qof ayuu boolisku shalay sheegay in uu ku jiro oday 101 jir ah oo laga soo helay tuulo 80 KM dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada caasimada ee dalka Nepal ee Kathmandu.

Shaqaalaha badbaadada ayaa sidoo kale sheegay in saddex qof oo kale laga soo saaray burburka degmada Sindhupalchowk oo dhanka waqooyi-bari kaga beegan Kathmandu ee caasimada dalka Nepal.

Kummanaan qof ayaa weli la la'yahay, kuwaasoo ay ku jiraan 1000 qof oo reer Yurub, kuwaasoo xilligaasi booqasho ku jiray, waxaana dhulgariirkaasi ku dhintan in ka badan 7000 oo qof.

XS
SM
MD
LG