Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mayweather oo ka Adkaaday Pacquiao


Feeryahanka u dhashay dalkan Mareykanka ,Floyd Mayweather, ayaa sii xajistay rikoorkisii ahaa in aan laga badin 48 tartan feer oo caalami ah oo uu ka qeyb galay, ka dib markii uu xalay ka guuleystay Manny Pacquiao oo u dhashay dalka Philippines oo ay isku miisaanyihiin.

Dagaalkii xalay ayaa ka dhacay fagaaraha MGM Grand Garden ee magaalada Las Vegan ee dalkan Mareykanka.

Mayweather, oo 38 jir ah ayaa xalay dagaalkiiska ku bilaabay si xooggan, laakiin feeryahanka guran ee reer Phinlipines, Pacquiao, oo 36 jir ah ayaa wareegyadii ugu dambeeyay la soo baxay dar dar culus – laakiin kuma uusan guuleysan inuu ka gudbo xeeladaha difaac ee Mayweather.

Feerkii xalay ayaan noqon sidii la filyay iyadoo labada feeryahanba ay u muuqdeen kuwo taxadar badan uu ka muuqday.

labada feeryahan midkoodna dhulka kuma uusan dhicin marna, mana muuqan dhaawacyo waaweyn oo ay isu geysteen.


Labadii garsoore ee feerka dhexdhexaadinayay ayaa ururiyay feerka oo la isla gaaray wareggii 12aad dhibco gaaraya 116-112, halka garsooraha keydkana uu diwaangeliyay 118-110, dhibcahaas oo dhamaan guusha siiyay Mayweather.

Marka uu feerku dhamaaday ayaa , Pacquiao waxa uu sheegay inuu moodayay inuu isaga guuleystay.

Mayweather ayaa isna sheegay inuu hal mar oo kale dhamaandka sanadkan targan feer uu gali doono ka hor inta uusan ka fariisan feerka.

Feerkii xalay ayaa loo arkay mid dhex maray laba feeryahan ee ugu wanaagsan.

Mayweather ayaa feerkii xalay ku helay ugu yaraan lacag gaareysa $180 malyuun oo dollar, iyadoo malaayiin qofna ay dunida lacag ku daawanayeen.

XS
SM
MD
LG