Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Qof oo la Soo Badbaadiyay Nepal


Shaqaalaha Gurmadka ee ku suggan Nepal ayaa khamiistii shalay dad nool ka soo saaray burburka dhulgariirkii dalkaasi ku dhuftay todobaadkii hore hoostiisa, taasoo xoogga farxad abuurtay xilli dadka ku dhintay dhul gariirka ay tiradoodu sii cagacageyneyso ku dhawaad lix kun oo qof.

Qeylo farxadeed ayey dadku ka shanqariyeen jidadka caasimadda dalkaasi ee Kathmandu markii shaqaalaha gurmadku ay ka soo saarayeen Pemba Tamang oo 15 sana jir ahaa, burburka Aqal kuwa martida lagu sooro ah.

Saacado ka dib ayaa sidoo kale shaqaalaha waxey nolol ku soo saareen haweeney Jikko Hotel ka shaqeyneysay oo lagu magacaabo Krishna Devi Khadka oo da’da sodomaadka ku jirta.

shaqaalihii gurmadka ayaa sheegay in willkaasi la badbaadiyay uu qabay oo kaliya dhaawacyo xagatimo ah.

Sidoo kale haweeneyda nolosha lagu soo badbaadiyay ayaa hadleysay iyadoo miir daboolan.

XS
SM
MD
LG