Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn: Dibadbaxyada Madowga Mareykanka


In ka badan kun qof ayaa socod ashtaka ah ku soo maray wadooyinka magaalada Baltimore, gobolka Maryland xalay fiidkii saacadda Cirifka Bari ee Mareykanka.

Taliya Booliska Magaalada Anthony Batts ayaa ugu yeeray mudaaharaadkaasi “mid si xasiloonaa oo si nabadgelyo ah ku dhacay, iyagoo dadku ay dalbanayeen in si cadaalad ah loola macaamilo mujtamaca madow ee Mareykanka.

Dibad Baxyo kale ayaa Iyana ka dhacay magaaladan Washingtington iyo New York, halkaasoo boolisku ay dad ku xir xireen.

Rabshadahan ayaa dilaacay Isniintii, ka dib markii la aasay –meydka Freddie Gray, oo 25 jir ahaa oo ka soo jeeday Mujtamaca Madowga Mareykanka, oo u dhintay dhaawac xangulaha laf dhabarta ka soo gaaray xilli uu ku jiray xabis ay boolisku ku hayeen. lix askari oo xarigiisa ku luglahaa ayaa baaris ay ku socotaa.

Maxamed Colaad Xasan ayaa warbixintan innooga diyaariyey.

Warbixinta Xaalada Baltimore
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:22 0:00

XS
SM
MD
LG