Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faure oo ku Guuleystay Doorashadii Togo


Guddiga doorashada dalka Togo ayaa maanta ku dhawaaqay in madaxweynaha hadda haya talada dalka Togo Faure Gnassingbe uu ku guuleystey doorashadii dalka Togo ka dhacay Sabtidii.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee dalka Togo Taffa Tabiou ayaa sheegayin madaxweyne Faure uu helay 1.2 milyan oo cod, oo u dhigmata 59 % codadkii la dhiibtay xagga hoggaamiyaha mucaaradaka Jean Pierre Fabre oo la baratamayay uu helay 35% kaasoo galay kaalinta labaad.

Haddii la xaqiijiyo guusha madaxweyne Faure waxay ka dhigantahay in qoyska uu ka soo jeedo ay xukunka dalkaasi hayaan ku dhawaad nus qarni.

Madaxweyne Faure ayaa awooda dalka Togo la wareegay sanadkii 2005-tii xilligaasoo uu geeriyooday aabihiis Gnassingbe Eyadema oo dalka Togo soo maamulay muddo 38 sano ah.

XS
SM
MD
LG