Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali ku Dhimatay Weerarada Yemen


Ugu yaraan soddon qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay weerar toddobaadkan ka dhacay dalka Yemen gaar ahaan woqooyiga Cadan halkaas oo lagu bartilmaameedsaday laba bas oo ay saarnaayeen dad Soomaali ah.

Faahfaahin ayaa kasoo baxay duqayntaas oo dhacday maalintii Axaddii halkaas oo diyaarado dagaal ay la beegsadeen gantaal, dad Soomaali u badan oo qaxooti ah oo saarnaa baabuur basas ah, kuna sii jeeday magaalada Cadan.

Safaaradda Soomaalida ee Sanca ayaa sheegtay inay heshay warar sheegaya dad ku dhow soddon qof inay dhinteen.

Ilaa hadda lama garanayo diyaaradaha gaystay duqayntaasi, waxaase dalka Yemen ka socda weerarro dhinaca cirka ah oo ay horsed ka tahay dawladda Sucuudiga.

Weerarka Yemen
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:20 0:00

XS
SM
MD
LG