Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha DFS oo Gaadhay Garoowe


Xasan Sh
Xasan Sh

Waxaa goor dhoweyd ka soo degay Magaalada Garoowe wafdi uu Hoggaminayo Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha waxaa safarkiisan ku wehelinaya Wasiiro iyo Xildhibaano, waxana Madaxweynaha uu socod ku dhex maray Gudaha Magaalada isagoo gacan qadayay Kumanaan Dadweyne oo ka qayb qaadanayey soo dhoweyntiisa ilaa saakana taagna waddooyinka.

Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah wejiga labaad ee kulanka Madaxda Maamul Gobaleedyada iyo Madaxda Dowladda Federalka ah oo la filayo inuu berri Garoowe ka furmo isla markana ay ka soo qaybgalaan Madaxda Maamulka KMG ee Jubba iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG