Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxtooyada Sanca Oo La Duqeeyey


Duqeynta ayaa imaanaya xilli dagaallo ay ka dhacayaan dalka Yemen, iyadoo diyaaradaha dagaalka ee isbahaysigu ay bartalmaansanayaa goobaha iyo fadhiisinada ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Xuutiyiintu ee magaalada Sanca oo ay ku jiraan bakhaaro ay hubka ku keydsanadaan.

Duqeyntan ayaa sidoo kale ka dhacday gobollada Shabwa iyo Laxaj.

Dhinaca kale dagaallo kale ayaa ka socda duleedka magaalada dekedda leh ee Cadan iyo gobolka saliidda hodanka ku ah ee Maribna, kuwaasoo u dhaxeeyay dagaalyahanno daacad u ah madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo garab ka helaya dagaalyahaniinta Xuutiyiinta iyo maleeshiyo beeleedyo garab ka helaya isbahaysiga.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaallada ka socoda dalka Yemen lagu dilay 550 bishii la soo dhaafay oo 115 ka mid ah ay ahaayeen carruur.

XS
SM
MD
LG