Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qulqulka Qaxootiga Somalida ee Yemen


Somali Refugees from Yemen
Somali Refugees from Yemen

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in dooni sida in ka badan 800 oo qaxooti Soomaali ah ay ka shiraacatay saakay dekedda magaalada Mukalla ee dalka Yemen iyadoo ku sii jeeda magaalada Bossaaso ee maamul goboleedka Puntland.

Doontan oo qaxootiga siday ay Somali yihiin ayaa waxaa dadkaasi ku yaboohay ganacsato soomaaliyeed oo lacago aan badneyn ka qaaday, sida uu sheegayo Bashir Ali Umar oo ka mid ah raga naaquudayaasha ah ee doonyaha ku shaqeeya.

Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegtay in kumanaan qaxooti ah ay 10kii maalmood ee la soo dhaafay ka qaxeen Yemen iyagoo gaary Geeska Africa gaar ahaan - Djibouti, koonfurta Somalia, Puntland and Somaliland, dadkaas oo ay ku jireej tiro aan badneyn oo reer Yemeniyiin ah.

Qaramada Midoobay ayaa tirade qaxootiga ee Geeska Africa ka tagay ee ka diwaan gashanaa Yemen ku sheegtay inay ku dhowyihiin 250 kun oo qof.

XS
SM
MD
LG