Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Wiil Somali ah oo u Hanjabay FBI oo la Xidhay


Hay'adaha Dembibaadhista Maraykanka ayaa xidhay wiil Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen inuu u hanjabay saraakiil ka tirsan hay'adda FBI iyo weliba Xafiiska Xeer Ilaalinta ee gobolka Minnesota.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adaha dambi badhista Maraykanka ee magaalada Minneapolis ayaa lagu sheegay in Maxamed Abuukar Saciid ay Hay'adda FBI soo xidhay shaley galinkii dambe, kadib markii lagu eedeeyey wiilkan inuu boggiisa xidhiidhka bulshada ee uu ku leeyahay Internet-ka uu ku soo qorey hadalo uu ugu hanjabayo saraakiil ka tirsan FBI iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii dhowaan la xidhay 6 dhalinyaro Somali Mareykanka ah oo la sheegay inay qaarkood isaga saxiib la ahaayeen.

Eedaha Maxamed Abuukar loo haysto waxaa ka mid ah inuu soo dhigay boggiisa xidhiidhka bulshada sawirka qof uu ku eedeeyey inuu ka dambeeyey xadhiga dhalinyaradaas, isaga oo markaas hanjabaad u soo jeediyey.

Minnesota IV
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:08 0:00

XS
SM
MD
LG