Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin Soomaali iyo Ajnabi ah oo ku Dhintay Macedonia


Afar iyo toban qof oo dhalinyaro ah oo la aaminsanyahay inay ahaayeen Soomaali iyo Afghaani ayaa ku dhintay dalka Macedonia ka dib markii uu tareen jiidhay.

Booliska ayaa sheegay in dadkan ay marayeen doox cidhiidhi ah oo uu khadka tareenku soo dhex maro habeenimadii xalay .

Dadkan ayaa ka mid ahaa koox ka kooban ilaa afartameeyo qof oo muhuaajiriin ah kuwaasi oo u socday dhinaca dalalka Midawga Yurub.

Tareenka dadka jiidhay ayaa ahaa nooca xawaarihiisu dheereeyo isaga oo ka yimid dalka Giriigga una socday dalka Serbia.

Inta badan dadka muhaajiriinta ah ee sida sharci darada ah uga soo gudba dalka Giriigga ee doonaya inay u tahriibaan dalalka Midawga Yurub ayaa sii dhex mara dalal kala duwan iyaga oo tilmaan ka dhigta khadka tareenku maro si aanay u dhumin.

Boolisku ma aysan sheegin in dadka dhintay ay ahaayeen rag iyo dumar.

Dadka geeriyooday ayaa lagu aasi doonaa xabaalaha ay leeyihiin muslimiinta ku nool dalkaasi.

Sideed qof oo ka mid ah dadka ka badbaaday shilkan ayaa booliska dalkaasi uu gacanta ku dhigay iyada oo dacwad lagu soo oogi doono.

Macedonia ayaa ka mid ah dalalka ay sii maraan dadka magan galiyo doonka ah ee u socda Midawga Yurub.

Safarkan dhinaca barriga ah ayaa la sheegay inuu ka halis yaryahay safarada dhinaca badda ee ay ku dhintaan boqolaaka qof.

XS
SM
MD
LG