Isku xirrada

Maxkamadda St. Paul oo La soo Taagay Dhallinyaro Eedeysan


Qareenno ka tirsan dowladda federaalka ee Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogey afar dhallinyaro Soomaali ah kuwaasoo lagu soo eedeeyey in ay dooneyeen in ay ku biiraan ururka Daacish, oo uu Mareykanku u daray ururrada argagixisadda.

Dacwad oogayaasha ka socoday federaalka ayaa qaadiga maxkamadda ka codsaday in dhallinyarada lagu sii hayo xasbiga inta ay socoto dacwadoodu, xagga kuwa u dooddaya dhallinyarada la soo eedeeyay ay ku andacoonayaan in an la hayn wax cad ah oo aysan dambi lahayn.

Eeedeymo iyo inkiraad kaddib ayey xaakinka maxkamaddu go'aanisay in xabsiga lagu sii hayo inta ay socoto dacwadoodu, Cadnaan Faarax, Guuleed Cumar, Hanad Muuse iyo Zakariye Cabdiraxmaan.

Weriyaha VOA Maxamuud Mascadde ayaa sharciyan maxkamadda la soo taagay dhallinyaradaasi ka wareystay garyaqaan Xasan Cali Maxamuud (Xasan Jaamici) .

Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhammaystiran.

XS
SM
MD
LG