Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Loretta Lynch oo loo codeeyey


Loretta Lynch ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysey ee ka soo jeeda Mareykanka madow ee qabata xilkan oo ah mid ka mid ah jagooyinka ugu sareeya laammaha caddaalada, iyadoo beddeli doono xeer-ilaaliyaha hadda xilka ka sii tagaya Eric Holder oo isuguna ah nin ka soo jeeda Mareykanka madow.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Loretta Lynch ay horay go’aanno kala duwan uga soo gaadhay kiisas badan oo ay ku jiraan la-dagaalka argagixisada, xuquuqda codbixinta, musuqmaasuqa xafiisyada dadweynaha iyo dambiyada ku saabsansan dhanka midabka.

Loretta Lynch oo horay xeer-ilaaliye uga soo ahayd degmo ka tirsan magaalada New York, waxayna shalay heshay codadkii ugu badnaa markii codbixinta loo qaaday, iyadoo si rasmi ah u noqotay xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka taasoo la filayo in ay dhawaan la wareegto xafiiska.

XS
SM
MD
LG