Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lacag loogu Deeqayo Qaxootiga Soomaalida Yemen


Xero Qaxooti
Xero Qaxooti

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku go'aamiyeen lacag uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu deeqay dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Kulankan oo ahaa shirka 55aad ee Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu goobjoog ahaa waxaana shirka kasoo qeybgalay gudoomiyeyaasha guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Guddiga Joogtada ah go'aamiyeen in Baarlamaanka ku deeqo lacag gaareysa 300,000$ (Seddex Boqol kun oo Doollar) dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayadoo lacagtanna laga jaray gunnada ama Mushaarka ay qaataan Xildhibaannada Baarlamaanka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa tilmaamay in Baarlamaanku la tashiyo kala sameynayo xaalada dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen Xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ka jira maadaama qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku nool lagu qiyaasay 750,000 ruux waxaana uu sidoo kale baaq u dirya hay'adaha kale ee Dowladda,maamul goboleedyada iyo qurba joogta Soomaaliyeed oo uu ku booriyey iney ka qeyb qaataan sidii walaalahooda Soomaaliyeed loosoo celin lahaa islamarkaana dib u dejin loogu sameyn lahaa.

Fulinta arintan waxaa loo xilsaaray oo dabagal ku sameynaya guddiyada Arrimaha dibadda, arrimaha gudaha,xuquuqul insaanka iyo arrimaha bulshada ee Baarlamaanka,sidoo kalena kulankii guddiga Joogtada waxaa looga hadlay ajandayaasha ugu soo horeeya ee Kalfadhiga 6aad oo furmi doona todobaadka soo socda ayadoo si gaar ah looga hadlay ansixinta Shuruucda Hortebinta u leh Golaha Shacabka sida dib u eegista Dastuurka,Federaaleynta Dalka, Dimuqraadiyeynta dalka, Axsaabta siyaasadeed iyo Doorashooyinka.

XS
SM
MD
LG