Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo ka Hadashay Xadgudub lagu Eedeeyay


Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin in muddo ah la sugayey oo ahaa in ciidankoodu ay xad gudub u gaysteen haweenka Soomaaliya kuwaasi oo ah dhinaca galmada.

Warbixinta oo ay shalay daabacday AMISOM ayey ku sheegtay in 21 eedood loo jeediyey ciidankooda ay caddaymo u heleen laba eedaymood oo keliya.

Sideeddii bisha September ee sannadkii 2014 ayaa warbixin ay soo saartay Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, taas oo ku eedaysay Ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika inay ku kaceen xadgudubyo dhinaca galmada ah kaas oo ay kula kaceen haween Soomaaliyeed oo danyar ah oo badankoodu ku nool xeryaha barakacayaasha.

Midawga Afrika ayaa markaas ka dib sheegay inay baadhis ku samaynayaan eedaymahaas loo soo jeediyey ciidamadooda ka jooga Somalia.

Warbixintaas oo dhamaystiran halka hoose ee boggan ka dhegayso.

Dhegayso: Warbixinta AMISOM
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:25 0:00

XS
SM
MD
LG