Isku xirrada

Duqeynta Yemen oo la Joojiyay iyo Dagaalkii oo Socda


Sucuudiga iyo isbahaysiga uu hoggaamiyo ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen weeraradi cirka ee ay la beegsanayeen Xuuthiyiinta dalka Yemen.

Laakiin Jabhadda Xuuthiyiinta ayaa saacado ka dib markii lagu dhawaaqay joojinta duqaynta waxay qabsadeen saldhig milatari oo ku yaalla magaalada Tacis, taasi oo keentay in diyaaradaha dagaalku mar kale weeraraan.

Sidoo kale dagaallo ayaa wali ka socda magaalada Cadan.

Dawladda Sucuudiga oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in duqaymihii cirka la joojiyay , isla markaana ay culayska saari doonaan dadaalka siyaasadeed ee xalka loogu raadinayo dagaalka Yemen.

Laakin saraakiisha Sucuudiga ayaa tilmaamay inay ku dadaali doonaan sidii aan hubka dawladda Yemen aanu gacanta ugu galin jabhadda Xuuthiyiinta.

Madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi, oo ku sugan dalka sucuudiga ayaa khudbad laga baahiyay Tilifishanka waxaa uu ku sheegay in qalalaasaha ka taagan dalkiisu uu dhawaan soo gabagaboobi doono.

XS
SM
MD
LG