Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baadi-Goobka Tahriibayaasha Maqan


Italy Migrants
Italy Migrants

Dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay hawlgal isugu jira baadi goob iyo gurmad ka bilaabmaya badda Mediterranean-ka, ka dib markii ay ku degtay doon ay muhaajiriin ka buuxeen oo ka soo safartay dalka Libya, waxaana laga cabsi qabaa inay dhinteen illaa 700 oo qof.

Gabal-dhicii habeenkii axadda ee xalay, waxaa masuuliyiinta dalka talyaanigu sheegeen inay u gurmadeen illaa 28 qof meel 200KM dhinaca koonfureed kaga beegan jaziiradda Lampedusa, waxaana isla goobtaas laga helay illaa 24 meyd ah.

Kooxaha badbaadada ayaa sheegay in dadka badankoodii la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, kuwaas oo laga cabsi qabo inay ku xayirmeen doonta ay la socdeen ee degtay, oo haatan laga baadhayo badda gudaheeda.

Haddii tirada dadkan maqan la xaqiijiyo inay dhinteen waxaa tirade guud ee sannadkan badda Mediterraian-ka ku dhimatay ay noqonaysaa illaa 1,500 oo qof, taas oo sannadkii hore xilligan oo kale ay tirada dhimashadu maraysay 90 qof.

XS
SM
MD
LG