Isku xirrada

War Deg-Deg ah

35 ku dhimatay Qarax ka Dhacay Afghanistan


Ugu yaraan 35 qof ayaa dhintay 100 kalena way dhaawacmeen kadib markii qarax ismidaamin ah uu ka dhacay bangi ku yaalla magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhacaan banaanka bangi wakhti ay shaqaalaha dowladdu ay qaadanayeen mushaharkoodii.

QM howgalka Afghanistan ayaa canbaareeyay weerarkan, waxayna ku baaqeen in lala xisaabtamo kuwii ka danbeeyay.

Kooxda Taliban ayaa beenisay inay ka danbeyso weerarkan.​

XS
SM
MD
LG