Isku xirrada

Syria oo Lagu Eedeeyey inuu Isticmaalay Hub Kimiko ah


Madaxweynaha dalka Syria Bashar Al Asad ayaa diiday eedaymo cusub oo la xidhiidha in ciidamadiisu ay dad rayid ah u isticmaaleen hub kimiko ah oo ay ku jirto Chlorine.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa toddobaadkan sheegay inay heleen caddaymo kala duwan kuwaas oo si weyn u taageeraya in xukuumadda Dimishiq ay isticmaashay sun Kimiko ah taas oo ka dhacday bishii hore gobolka Idlib.

Kooxaha Xuquuqda Aadanaha ee wadamada reer Galbeedka iyo weliba dawlado kala duwan ayaa marar is xigxiga ku eedeeyeey xukuumadda Assad inay isticmaalayso hubka Kimikada ah, oo ay ku laayeen dad rayid ah hase ahaatee mar walba eedaymahaas waxaa diidaysay xukuumadda Syria.

XS
SM
MD
LG