Isku xirrada

War Deg-Deg ah

18 ku Dhimatay Weerarkii Xarunta Waxbarashada


Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ayaa dib ula wareegay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan ururka Alshabab.

Goobjooge ku sugnaa dhismaha marka weerarku bilaabmay ayaa u sheegay VOA in dabley ka tirsan ururka Alshabaab ay gaadhi ku qarxiyeen gidaarka Wasaaradda Waxbarashada, ka dibna ay koox hubaysani gudaha u galeen dhismaha.

Madaxa Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah ee magaalada Muqdisho Dr Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan ayaa VOA u sheegay in tirada dhimashadu ay tahay illaa 15 qof halka dhaawaca ay qaadeena uu marayo illaa 20 qof.

Afhayeenka wasaaradda amniga, Maxamed Yusuf ayaa goor dhaweyd VOA u sheegay in tirada dhimashadu ay haatan gaartay 18 qof.

Dhismaha ayay deganaayeen Wasaaradaha Waxbarashada, Shidaalka iyo Khayraadka Dabiiciga ah, warar kala duwan ayaa sheegaya inay bed-qabaan masuuliyiinta kala duwani.

Wararka ayaa sheegaya Dablayda ka tirsanayd ururka Alshabaab ee gudaha u gashay dhismaha ay markii hore la wareegtay labada dabaq ee ugu horreeya, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa iska caabbin xooggan la galay kooxdan sida ay goobjoogayaal VOA u sheegeen.

Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM iyo ciidan kale oo xoojin ah ayaa soo gaadhay dhismaha kuwaas oo ku guulaystay inay la wareegaan.

XS
SM
MD
LG