Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Lagu Qaaday Wasaaradda Waxbarashada


Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabab ay galeen dhismaha Wasaaradda Waxbarashada oo ku dhow isgoyska KM 5.

Dhismahan oo horey u ahaa xaruntii Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa hadda waxaa ku howlgala Wasaaradda Waxbarashada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dableyda weerarka geysatay ay gidaarka dhismaha ku dhufteen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ka hor inta aysan gudaha u galin dhismaha.

Weli ma cadda qasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana goobtaasi iyo xaafadaha ku dhow dhow ku hareereysan ciidamada amaanka ee dowladda.

Wixii war ah ee ku soo kordha waxaanu idinkugu soo gudbin doonaa idaacadaheenna soo socda iyo weli boggan. www.voasomali.com

XS
SM
MD
LG