Isku xirrada

Hadliye: Qaxootiga Xoog laguma Celinayo


Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Kenya aysan dowladda somalia u sheegin soo celinta qaxootiga, isla markaana aanu filayn in qaxootiga xoog lagu soo celiyo.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku hawlantahay sidii loo xoojin lahaa heshiiskii saddex-geesoodka ah ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay kaasoo farayey in si nimaadsan oo uusan jujuub ku jirin qaxootiga Soomaalida dib loogu celiyo dalkooda.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa hay'adda UNHCR u sheegay inay muddo saddex bilood ah Kenya uga rarto qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhabaab.

XS
SM
MD
LG