Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masaajidka Daarul Hijra ee Minneapolis oo Dib Loo Furay


Guddoomiyaha guddiga masaajidka iyo xarunta lagu barto culuumta diiniga ee Daarul Hijra sheekh Cabdisalaan Shariif Aadan ayaa VOA u sheegay in dib u dhiska masaajidka iyo xarunta lagu barto culuumta diiniga ay ku baxday 200 oo kun oo doolar, taasoo laga soo ururiyey culumaa'udiinka, ganacsato iyo dadweynaha ku xiran masaajidka kuwaasoo gacan weyn ka qaatay sidii dib loogu furin lahaa xarunta iyo masaajidka.

Sheekh Cabdisalaan ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii ka qeyb qaatay sidii dib loogu furilahaa xarunta iyo masaajidka Daarul Hijra, isagoo Alle ugu barayay in uu ka amaalmariyo xasanaadka ay sameeyeen.

Furintaanka xarunta iyo masaajidka Daarul Hijra ayaa waxaan maanta ka mid ahaa mas'uuliyiintii ka soo qeyb galay furintaanka islamarkaasna ku tukaday salaadii Jimacaha senator-ka laga soo doortay gobolka Minnesota Keith Ellison.

Xarunta iyo masaajidka Daarul Hijra ayaa uu dab qabsaday 15 billood ka hor kaasoo gaarsiiyey waxyeello.

XS
SM
MD
LG