Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/Wasaare Sharmaarke oo Gaaray Garoowe


R/Wasaare Sharmaarke oo Garoowe Gaaray
R/Wasaare Sharmaarke oo Garoowe Gaaray

Magaalada Garoowe waxaa goordhoweyd oo galabta ah ka degay wafdi Wasiirro iyo xildhibano isugu jira oo uu hoggaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Waftiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Dastuurka, Wasiiru dowladaha Gaashaandhiga, Wasiiro ku xigeeno, Xildhibaano iyo Lataliyayaasha qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda.

Waftig waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiwali M. Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakin C. Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Isimo, Ururada dhalinyarada iyo dadweyne aad u faro badan oo safnaa garoonka diyaaradaha iyo hareeraha wadooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso warbixin ku saabsan R/wasaare Shramaarke oo gaaray Garowe
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:06 0:00

XS
SM
MD
LG