Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dzhokhar Tsarnaev oo 30 Dambi lagu Helay


.
.

Xeerbeegti Maraykan ah ayaa Arbacadii shalay dambi ku helay JDzhokhar Tsarnaev oo ka soo haajiray dalka Chechnia. Mr. Tsarnaev iyo walaalkii ayaa bamb dhigay meel lagu qabanayey orodka Maarathonka, sanadkii 2013kii magaalada Boston ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay ku dhinteen 3 qof, 264 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xeerbeegtida oo arrinta ka dooday muddo 11 saacadood ah, intii ayna eedaha u jeedin Dzhokhar Tsarnaev oo 21 jir ah, iyaga oo dhamaan dambiyadii lagu soo oogay oo 30 ahaa Mr. Sarnayeev ku wada heshay. 17 ka mid ah 30 eedeymood ayaa xukun dil ah lagu muteysan karaa. Xigto badan oo ka socotya dadkii weerarka ku waxyeeloobay ayaa daawanayey sida xeerbeegtidu ay eedaha u soo jeedinayeen.

Keyska Mr. Tsarnaev lagu haysto ayaa hadda wejigiisii labaad galaya, iyada oo xeerbeegtidu ay dhageysi cusub sameyn doonto, taas oo qaadan karta muddo toddobaad ah, ka dibna soo saari doona xukunkii lagu fulin lahaa eedaysanaha, xaas oo noqon kara dil ama xabsi daa’im.

XS
SM
MD
LG