Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Argagixiso Lugu Tuhmay oo Malaysia Lagu Xiray


Saraakiisha dalka Malaysia ayaa xasbiga u taxaabay 17 qof oo ay ku jiraan labo qof oo dhawaan ka soo laabtay dalka Siiriya, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay shirqool ka maleegayeen magaalada Kuala Lumpur.

Khalid Abu Bakar oo ah madaxa booliska, ayaa boggiisa twitter-ka maanta oo Isniin ah ku sheegay in dadkan la qabtay shalay, walow uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.

Xiritaanka dadkan ayaa ku soo beegmaysa xilli wasaaradda arrimaha guduhu ay soo bandhigtay labo hindise oo ku saabsan la-dagaallanka argagixisada.

Hindiseyaashan ayaa oggolaanaya in qofka la tuhumo maxkamadda la’aan muddo xabsiga lagu hayn karo sidoo kalana faraya in baasaboorkiisa lagala wareeegi karo.

Dhowr jeer oo hore ayaa hindiseyaal ku saabsan la-dagaalkana argagixisada ay dalka Malaysia muran uga dhasheen, kuwaasoo lagu sheegay in yihiin kuwo ku xaq-gudbaya xaqa qofka muwaadinka ah.

XS
SM
MD
LG