Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha oo Wareysi Siiyay VOA


.
.
Dhageyso Wareysiga Madaxweynaha Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:23:20 0:00

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa wareysi gaar ah oo VOA siiyay kaga hadlay weerarkii Jaamacadda Garissa, iyo arrimo kale.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qorshaha al-Shabab ee weerarkaasi uu ahaa inay ku kala qeybiso Masiixiyiinta iyo Muslimiinta dagan dalkaasi, balse aanay taasi u suurto galin.

Xasan Sheekh ayaa beeniyay in qaxootiga Soomaalida ee xeryaha Dadab ay ku lug leeyihiin amni-xumada ka jirta Kenya. Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in darbiga Kenya ay damacsan tahay inay ka dhisto xadka uu yahay talaabo aan fiicnayn oo aan joojin doonin cadaawadda iyo fikirka al-Shabab.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay inay al-Shabab la hadlayaan iyo in kale. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in laba cafis u fidiyeen dhalinta iyo hoggaanka al-Shabaab, qaarkoodna ay ka faaideysteen, wuxuuna sheegay inay dowladdiisu ay sii wadayso inay la hadasho ciddii al-Shabaab ka tirsan ee joojisa fikirka Takfiriga ah iyo rabshadaha.

Xasan Sheekh wuxuu wareysigan uga hadlay qaxootiga Soomaalida ee Yemen, isagoo sheegay in dowladdiisu ay wado gurmad ay uga qaxootigaasi uga soo daabulayso Yemen.

Madaxweyne Xasan wuxuu kaloo wareysiga ku sheegay in dowladdisa iyo Sacuudigu ay wadaan qorshe gabo-gabo ah oo sharciyo lagu siin doono Soomaalida ku nool Sacuudiga.

Ugu danbeyn madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay qorshaha maamul usameynta gobollada dhexe iyo khilaafka taagan, wuxuuna sheegay in qorshuhu meel fiican marayo isla markaana dhawaan Cadaado laga furi doono shirka maamul u samenta gobollada dhexe.

XS
SM
MD
LG