Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Duqeysay Al-shabaab Gedo Ku sugan


Duqeyntan ayaa lagu sheegay in ay jawaab u tahay weerarkii uu Khamiistii ururka Alshabaab ka geystay Jaamacadda magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Sabtidii wacad u maray in xukuumaddiisu ay jawaab adag ka bixin doonto weerarkii ka dhacay magaalada Garissa.

Wareysyada ka soo baxda dalka Kenya ayaa laammaha ammaanka ee Kenya si weyn ugu dhaleeceeyay hannaankii ay uga jawaab bixiniyeen weerarkii ka dhacay magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

Wakaallada wararka ee Farasiiska ayaa sidoo kale qortay in ciidamada gaarka ah ee dalka Kenya ay ku qaataday toddobo saacadood in ay ku gaaraan goobtii uu weerarku ka dhaay.

Weli lama ogga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta diyaarahada dagaalka ee Kenya ka fuliyeen goobo ay Alshabaab kaga sugantahay gobolka Gedo.

XS
SM
MD
LG