Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Qaxooti soo Qaxay iyo Kuwa Wali ku Xayiran


Soomaalida doonaysa inay ka baxaan dalka Yemen oo ay dib ugu laabtana Soomaaliya ayey u suurtogeli weyday kadib markii loo sheegay in Yemen laga xidhay dhinaca badda.

Dadka oo doonaya in si iskood ah ugu laabtaan Soomaaliya ayaa ku xayiran dekadaha dalka Yemen iyaga oo waayay maraakiib iyo doonyo u qaadda Somalia.

Sidoo kale tira badan oo ka mid ah qaxootiga soomaaliyeed ee ku noolaa dalka Yemen ayaa ku xayiran xeryaha qaxootiga iyo magaalooyinka dalkaasi oo dagaallo ay ka socdaan.

Dhinaca kale boqollaal qof oo qaxooti ah oo iskugu jira jinsiyado kala duwan ayaa soo gaadhaya dalkaasi Jabuuti iyaga oo kasoo cararay colaadda dalka Yemen.

Dadka badankooda ayaa ku yimid diyaarado waana dad iyagu iskood uga soo baxay dalkaasi, oo ay ku jiraan dad u dhashay Yemen, Hindiya iyo Shiinaha.

Dawladda Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay inay jiraan ilaa 27 qof oo doon ku yimid kuwaasi oo la dejiyey gobolka Obokh. Wariyaheena Ramadan Muuse ayaa war-bixintan nooga soo diray Djibouti.

Dhinaca kalena, Hay'adda UNHCR ayaa sheegtay in 32 qof oo Yemeniyiin ah oo ka yimid Ticis ay ka dageen dekedda Berbera ee Somaliland.

Hay'addu waxay sheegtay in dadkan ay muddo 12 saacadood ah ku soo jireen badda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya iyo QM ayaa ka wada hadlay sidii loo daad-gureyn lahaa Soomaalida ku sugan Yemen.

Maamullada Soomaalida ayaa iyaguna isku diyaarinaya inay soo gaadhaan dad kale oo kasoo qaxa colaadda Yemen.

Maalintii shalay hay'adaha gargaarka ayaa kulan ku yeeshay Puntland ku saabsan u diyaargarowga dadkaasi.

Warbixinno iyo waraysiyo arrintan la xiriira ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Warbixinno ku saabsan Qaxootiga Dagaalka Yemen
please wait

No media source currently available

0:00 0:21:42 0:00

XS
SM
MD
LG