Isku xirrada

War Deg-Deg ah

THAILAND: 0o Laga Qaadi Doono Xukunka Milatari


Hoggaamiyaha guddiga milatariga ah ee maamulka dalka Thailand ayaa sheegay in guddigu uu boqorka dalkaasi weydiiyay in dalka laga qaado xukunka milatari ee hadda saaran, kaddib markii dalkaasi uu ka dhacay afgabi ka sanadkii hore.

Ra’iisul wasaaraha dalka Thailand Prayuth Chan-ocha ayaa warbaahinta ku sheegay in boqor Bhumibol Adulyadej uu go’aan ka gaari doono in dalka la qaado xukunka milatari ee saaran.

Xukunka milatariga ee ka jira dalka Thailand ayaa awood ballaaran siiyay milatariga kuwaasoo gacan adag kula macaamillay hay’addaha u doodda xuquuqul insaanka iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka iyadoo sidoo kale bulshada ka mamnuucay in ay sameeyaan dibad-baxyo.

Weli waxaa jira sharci faraya in dadka ra’idka ah lagu maxkamadeedo maxkamad milatari.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Thailand Yingluck Shinawatra ayaa xilka looga qaaday amar ka soo baxay maxkamad bishii May ee sanadkii hore, iyadoo afgabiga ka dhacay dalka Thailand uu yahay 12 ee 80-kii sano ee ugu dambeeyay.

XS
SM
MD
LG