Isku xirrada

Iran oo Beenisay inay Hub u Dirtay Yemen


Houthi Shiite Yemeni gather while guarding a street leading to the presidential palace in Sanaa, Yemen, Jan. 20, 2015.

Houthi Shiite Yemeni gather while guarding a street leading to the presidential palace in Sanaa, Yemen, Jan. 20, 2015.

Dawladda Iran ayaa beenisay inay hub u dirtay dalka Yemen, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in kaliya ay deeq gargaar ah direen.

Wakaaladda wararka ee dawladda Iran ee IRNA ayaa sheegtay inaanay waxba ka jirin eedaynta loo jeediyay ee ah in Iran ay hub u dirtay kooxda Xuuthiyiinta.

Wakaaladda ayaa ka soo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Marziyeh Afkham inay sheegtay in dawladda Iran kaliya ay dirtay deeg gargaar ah iyo daawo, kuwaasi oo ay qaadeen diyaaradaha xamuulka ee rayidka ah.

Dalka Yemen ayaa waxa weli ka socda duqaynta ay Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo ay la beegsanayaan kooxda Xuuthiyiinta gaar ahaan caasimadda Sanca oo la beegsaday goobo hubka lagu kaydiyo oo ay Xuuthiyiintu maamulaan.

XS
SM
MD
LG