Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiiska Nuclearka ee Iran oo Berri ku Eg


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Maxamed Jawaad Thariif ayaa Isniinta maanta ah dalka Switzerland kula kulmaya wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Maraykanka, Britain, France, Russia, iyo Germany. Labada dhinac ayaa isku dayaya inay heshiis gaaraan ka hor xiliga kama dambeysta ah si ay isula meel dhigaan heshiiska muddada dheer laga dhursugayey barnaamijka nuclearka ee Iran.Gelinka dambe oo berri oo Talaado ah ayaa diblomaasiyiintu

doonayaan inay gaaraan Qaab lagu hubanayo in Iran ayna

sameysan doonin hubka nuclearka ah, iyada oo taas

Loogu beddelayo in cunaqabateynta laga qaado,taas oo dhaawac

weyn u geysatay dhaqaalaha dalka. Hanaan dhameystiran oo

heshiiskan ku saabsan ayaa la filayaa dhamaadka bisha June.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Isniinta maanta ah sheegay in aan wali go’aan laga gaarin sida loo burburinayo keyda waxyaabaha la naaxiyey ee Iran, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in dawladaasi ay muujisay in waxyaabahaas dalka dibaddiisa la geeyo.

Sarkaalka ayaa sheegay in dhoofinta qalabkani uu ahaa mid ka mid qodobada ay labada dhinaca muddo bilow ah ka doodayeen.

XS
SM
MD
LG