Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jaamacadda Carabta oo Ciidan Dhisan Doonta


Fikirkan ayaa waxa soo jeediyay madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah Al-sisi kaasoo sheegay in dhisida ciidankan ay qaadan karto billo xilli uu ka hadlayay shirka magaalada Sharma Sheekh uga socda madaxda waddamada Jaamacada Carabta.

Horay waxaa u jiray hindiseyaal noocan oo kale oo la dooneyey in lagu soo dhiso ciidan lagu mideysan yahay balse guuldareystay kaddib markii hogaamiyeyaasha waddamada Carabta ay isku raaciwaayeen hannaanka loo dhisayo ciidankan.

Waddamada Yemen iyo Liibiya ayaa weli waxaa ka jirta xiisad colaadeed halka uu dagaalka sokeeya ka socdo dalka Siiriya, taasoo ah walbahaarka ugu badan ee ay qabaan madaxda ururka Jaamacadda Carabtu.

Fikirka in ciidamado ay sameystaan waddamada ku midoobay Jaamacadda Carabta ayaa ku soo beegmaya iyadoo dagaallo ay ka socdaan waddamo dhowr ah oo ururkaasi xubno ka ah iyo sidoo kale halista ururka Daacish oo ku sii fideysa waddamo badan oo ka tirsan Jaamacadda Carabta.

XS
SM
MD
LG