Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Ciidamada oo soo Afjaray Weerarkii Maka Al Mukarama


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo gebagebaysay hawlgalkii ka socday hotelka Maka Al Mukarama ee shalay ay la wareegeen dablay hubaysan oo ka tirsan ururka Alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Somaliya Maxamed Cabdi Maareeye ayaa xaqiijiyey in ciidamada ammaanku ay si toosa ula wareegeen gacan ku haynta hotelka aroornimadii maanta gaar ahaan markii saacaddu ku beegnayd 08:30 subaxnimo wakhtiga magaalada Muqdisho.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadka goobtaas ku dhintay ay gaadhayaan illaa 14 qof oo isugu jira 6 qof oo rayid ah, afar askari, 3 ka mida ilaaladii hotelka iyo masuul dawladeed.

Dadka qaraxan ku dhaawacmay ayaa gaadhaya illa 18 qof.

Ciidamada Ammaanka ayaa saaka u gurmaday isla markaana soo badbaadiyey illaa 50 qof oo isugu jiray martidii iyo shaqaalihii hotelka.

Dablayda weerarka soo qaadday ee ka tirsanaa ururka Alshabaab ayaa gaadhaysay illaa lix qof kuwaas oo dhammaantood dhintay.

Dhageyso Wararka Weerarkii Maka-Al-Mukarama
please wait

No media source currently available

0:00 0:20:15 0:00

XS
SM
MD
LG