Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Waan Xajinaynaa Guulaha Afghanistan


President Barack Obama, right, meets with Afghan President Ashraf Ghani in the Oval Office of the White House, March 24, 2015, in Washington.
President Barack Obama, right, meets with Afghan President Ashraf Ghani in the Oval Office of the White House, March 24, 2015, in Washington.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in sagaal kun iyo sideed boqol oo askarta Mareykanka ah ay baaqi ku sii ahaan doonaan dalka Afghanistan ilaa iyo dhamaadka sanadkan, isagoo wax ka bedelay qorshae tiro kala bar ciidamadaasi ah lagu dhimmi lahaa.

Mr. Obama waxa uu sheegay in Mareykanka ay ka go’antahay inuu sii xajiyo guulihii ay ciidamada Mareykanka ka soo hooyeen dalkaasi;.

Waxa uu sheegay in ciidadama Mareykanka ay sii wadi doonaan inay tababarro iyo talooyinba siiyaan ciidamada Afghanistan, sidoo kalena ay ka caawin doonaan howlgallo bartilmaameedsan oo dhanka argagixiso la dirirka ah.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa soo dhaweeyay qorshaha Obama, isagoo uga mahadceliayay shacabka Mareykanka Naf hurnimada ciidamadood ee dalkiisa iyo canshuuraha ay bixiyaan ee lagu taageero soo celinta xasiloonida Afghanistan.

XS
SM
MD
LG